Bisad iyo Jiir
Bari baa waxaa wada safray Bisad iyo Jiir (Dooli). Waxay ku heshiiyeen in ay iska sii weheshadaan jidka intay ku jiraan. Intii jidka la sii socday ayaa Bisadii hadba miliqsataa oo miciyahana isku listaa, had iyo jeerna eegtaa xaga jiirka inta indhaha galka ka soo saarto. Jiirkii intuu ka yaabey bisadii iyo sifaalaheedii ayuu u yeedhay, markaas ayuu ku yidhi, "Bisadeey indhaha aan arkayo safar kuma wada geli karro, ee midkeenba dhinac ha u safro." Markaas ayey Bisaddii tidhi, " Maxaa dhacay oo aad igu qoonsatay?" Anigu markaan arko jiir ayaan hamaahsadaa (halaaqood) inta farxadu iga badato Jiirkii intuu geedo dhexdood ka dusey ayuu yidhi, "Isma raaci karno, wehelna kaama dhiganayo ee waxaad weheshato raadso."
Dulucda sheekada: Ha isku dayin in aad walaal ka dhigato qof aanad aqoon u lahayn. Soomaalidu waaxay tidhaa , cadow ciirsimaad maleh.