Gabay

Sidaad og soon tahay waxaa daraawiishta ceeb ka ahaa cararka iyo baqashada ragaa cusubaa oon horay u duulin baa duulaan qaaday. Mar ay ka war heleen in ciidan ingiriiska ah fooda ku soo hayo bay waxayar kabacdi waxay is ku heleen caynaba, dabadeed markay xabadii isku dhacday bay baqo dhabarka jeed sheen. "sayidka isagoo canaanaya una sheegaya in ay waxa cusub oo daraawiish caado u aheey ay curiyeen buu gabaygaan mariyay.

Kuwii cararay maantii kufrigu,ciiro soo kiciyey
Coodkooda nimankii baxshayee, ciiska rogi waayey
Carabtey ku joogeen kuwii, cayris kaga rooray
Cakuyey! Kuwii dib u curtaa, ceebta noo dilaye
Cudurlaaga waa lagu yaqaan ,inay cabsoodaane
Waa caadadood baqo inay, caga caddeeyaane
Maantaan cirroobiyo anoo, canug ah oowiila
Carradaba wax badan baan maroo, coobir baan ahaye
Cawroo kalay noqdeen , caabuqii didaye
Allahayoo, canjeelkii tanaa ,iiga ciil badane
Anna carada wax iigu wacan , waa cid li'idiiye
Cashadii daraawiish haday , cidaha noo joogto
Cindigaan ka suuraynayaa, camalladoodiiye
Sidii aar cargaaagtamahayey ,caran lahaayeene
Ciyoontaba waxaa dhici lahaa ,dirir cafaariide
Caddaan miiran iyo sowjar bay, cuni lahaayeene
Cafi ma laha nimankii dorraad, gaalka caawiyaye
Cadowgood alluu-jebigu waa nagu ciyaareene
Casiisow cadaab duulku waa ,caasi khayr darane!